Home Wararka Somaliya Kutlada Xildhibaanada oo soo Dhaweeyay Madasha Badbaadada Qaran (Sawiro)

Kutlada Xildhibaanada oo soo Dhaweeyay Madasha Badbaadada Qaran (Sawiro)

0

Kulan maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Kutlada Badbaado Qaran ee labada Aqal Barlamaanka Federaalka ayaa lagu soo dhaweeyay Golaha Badbaado Qaran oo ah madal u taagan badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah sidii dalka ay uga dhici lahayd.

Xildhibaan Mahad salaad oo ayaa Qoray sidaan.

Waxaan saxiixnay petition lagu cadaynayo mowqifka Kutlada Badbaado Qaran iyo sida dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa qatarka ku soo fool leh. Waxaanan sidoo kale baaq u dirnay dadka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Dowliga ah ee kaalmeeya dowlada Soomaaliya.

Waxaan sidoo kale uga dignay saraakiisha Farmaajo u adeegsanayo burburinta dalka ee ku tumanaya shuruucda dalka in aysan ciqaab la’aan noqon doonin hadii aysan ka waantoobin ficilada liddiga ku ah dimuquraadiyada iyo xasilloonida dalka.

Ugu dambeyntii waxaan uga dignay Gudoonka Barlamaanka inaan dalka gacantooda lagu burburin. Hormuudna aysan ka noqon mudo kordhinta sharci darada ah ee Farmaajo ka raadinayo Goleyaasha Barlamaanka.

Ad
Previous articleMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo gaaray Cadaado (SAWIRO)
Next articlePuntland oo Dowladda Soomaaliya ku Eedeysay inay Burburisay Shir Maanta La qorsheenayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here