Home Wararka Maanta kursigii Xildhibaanimo ee Loo Diiday Fahad yaasiin oo Maantay Muqdisshu Lagu Dooranaayo...

kursigii Xildhibaanimo ee Loo Diiday Fahad yaasiin oo Maantay Muqdisshu Lagu Dooranaayo Xili Muran Badan Uu Hareeyay Yaa kusoo Bixi Doona?

0

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ayaa manata magaalada Muqdisho ku qabanaya doorashada kursiga sumadiisu ay tahay HOP#086, kaasoo deegaan doorashadiisa oo eheyd Beledweyn laga soo wareejiyay.

Laba musharax oo kaliya ayaa iska diiwaan gelisay tartanka, waxaana loo diiday in la diiwaan galiyo Musharaxiinta kala ah Cabdinuur Maxamed Axmed, Dr. Cabdicasiis Maxamed Mataan, Khaalid Muxumed Gaabane, Dr. Cumar Faaruuq Sheikh Cabdiciis iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Macalin oo daneynayay iney tartamaan.

Kursigan oo hore uu usoo qaatay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa loo diiday sababa la xiriiray in aan la marin habraaca doorashada, tan iyo xiligaas beesha reerow Xasan ee kurisgaasi leh ayaa matalaad la’aan mudo sanad kudhow ku eheyd golaba shacabka.

Musharixiinta loo diiday iney tartamaan ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Soomalaiya iney musharax gaar ah u wadato kursigan, iyadoo musharaxaasi uusoo kaxeystay qof malxiis ah oo doorashada marka ay bilaabataba sheega inuu tanaasulay oo aanu tartan gali doonin, sida dad arrintan xog-ogaal u ah ay sheegeen.

Doorashada kursigan ayaa la qabanayaa xilli uu muran badan ka taagan yahay doorashadiisa kadib markii musharixiinta u taagan ay dowladda ku eedeeyeen in loo diiday inay isdiiwaan galiyaan

Ad
Previous articleDhibaatada Soomaalidu ay ku qabaan Dal-ku-galka Kenya
Next articleKoox ciyaal weero ah oo wiil 12 sano jir ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho Xili Alshabaab u Hanjababeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here