Home Wararka Maanta Kulankii Golaha Shacabka oo Lagu kala Tegay iyo Buuq ka dhashay Qabsoomida...

Kulankii Golaha Shacabka oo Lagu kala Tegay iyo Buuq ka dhashay Qabsoomida Shirka

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ah ayaa is hortaagay shirka inuu furmo, iyagoo ku eedeeyay Guddoonka inuu waday qorshe muddo kordhin ah.

Buuq iyo jahwareerka kaddib ayaa keenay inuu shirku fashilmo, waxaana Xildhibaanada qaar ay ka hor yimaadeen inay saxiixaan warqada kooramka Baarlamaanka ee Xildhibaanada soo xaadira.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannada qaar ay diidanaayeen shirkan oo shaki badan laga qabay inuu ku hoos qarsoonaa muddo kordhin.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada is hortaagga sameeyay in la soo qoro, si tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeer hoosaadka looga qaado.

Intaas kaddib Xildhibaannada ayaa ku kala dareeray, sidaas uu ku fashilmay fadhigii loo balansanaa ee shakiga badan laga qabay.

 

Ad
Previous articleDowladda UK oo War ka soo saartay Xaalada Doorasho ee Soomaaliya
Next articleMidowga Musharaxiinta oo shaaciyay in Farmaajo uu doonayo Muddo Kordhin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here