Home Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo shaaciyay in Farmaajo uu doonayo Muddo Kordhin

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyay in Farmaajo uu doonayo Muddo Kordhin

0

Afhayeenka Midowga Musharixiina Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ee baaqday uu ahaa abaabul ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Daahir Geelle oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in kulankii baaqday ee Maanta ee Golaha Shacabka sidoo kale la doonayay in sharciga dalka lagu jebiyo dadkana la iska horkeeno iyo muddo kordhin, taasina ay kasoo horjeedaan, isla markaana cambaareeynayaan.

Sidoo kale Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Midowga Musharixiinta ay doonayaan deganaansho iyo heshiis, balse Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si kale oo dhibaato iyo iska horkeen ah uu dalka ku wado.

Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa dhowr jeer waxaa ay uga digeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu sameeyo qorsho muddo kordhin ah.

 

Ad
Previous articleKulankii Golaha Shacabka oo Lagu kala Tegay iyo Buuq ka dhashay Qabsoomida Shirka
Next articleAkhriso Liiska Xildhibaanada Golaha shacabka ee Laga Mamnuucay Xarunta Golaha shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here