Home Wararka Maanta Kooxda Daacish oo la helay xogtooda iyagoo dad ajaanib ah ku tababarayo...

Kooxda Daacish oo la helay xogtooda iyagoo dad ajaanib ah ku tababarayo Soomaalia

0

Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan dadka kasoo jeeda Itoobiya.

Saddexdii muuqaal ee ugu dambeeyay ee ay sii daysay ISIS waxay dhammaantood ku qornaayeen luqado aan Carabi ahayn.

Muuqaal 14-kii Juun ay samaysay Daacishta Galbeedka Afrika (ISWAP), 2 fiidiyoow kasoo baxay Ciraaq oo ku baxayay afka Kurdishka, iyo muuqaalkan cusub ee ku qoran af Amxaariga, waxay qeyb ka yihiin billowga taxanayaal ay doonayaan in ay qortaan dad aan Carab ahayn.

Daacish oo ka faa’idaysanaysa colaada ka jirta dalka Itoobiya waxay doonaysaa in dadka Itoobiyaanka ah ee kasoo cararaya colaadaas, ee soo aadaya Soomaaliya, ay u qorato askar, si ay uga qeyb qaataan howlgalladooda Soomaaliya.

Tirada dagaalamayaasha Daacishta ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 200, kuwaas oo badi ku sugan, gabbaadna ka dhigta dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari ee Puntland.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, Daacish waxay askaraynaysay dadka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, kuwaas oo ku sugan magaalada Boosaaso iyo meelo kale oo kamid ah Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in ay jiraan dad badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ku biiray ururada Alshabab iyo Daacish, waxayna qaar kamid ah kusoo qabteen howlgalo dhawaan ka dhacay gobolka Bari.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Biri ku wajahan uganda iyo ujeedaka safarka
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here