Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo Kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka, isagoo ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi ee ay ku tilmaaman yihii dadka Soomaaliyeed.

“Dowladdaani waxay ka shaqeynsaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa; suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay.”

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doona Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaasi oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyada oo ganacsatada Soomaaliya iyo Uganda ay ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo waxsoosaarka

 

Ad
Previous articleKooxda Daacish oo la helay xogtooda iyagoo dad ajaanib ah ku tababarayo Soomaalia
Next articleDuleedka caabudwaaq dad ku sugnaa aroos oo risaas Lagu furay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here