Home Wararka Maanta Kooxda AlShabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo...

Kooxda AlShabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

0

Afhayeenka Alshabaab Al-Shabaab Cali Dheere ayaa soo saaray farriin uu kaga hadlayo heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, isagoo cadeeyey inay si adag uga soo horjeedaan heshiiskaas.

Cali Dheere ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi aysan waxaba ku kala duwaneyn, maadaama labaduba ay badda ku kala wareejiyeen dowladaha Turkiga iyo Itoobiya.

Wuxuu ku dheeraaday muujinta naceybka ay Shabaab u qabaan Turkiga, isagoo heshiiskaan oo ah ‘mid difaac’ ku macneeyey ‘mid badda lagu siiyey Turkiga.’

Afhayeenka Al-Shabaab wuxuu ku andacooday in Turkigu ay horey u qabsadeen qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho, “Turkigu wuxuu dalka ka sameystay saldhigii ugu weynaa ee dunida ay ku yeeshaan meel dalkooda ka baxsan,” ayuu yiri Cali Dheere.

Isagoo sii hadlaayey wuxuu sheegay in Turkigu uu la wareegay ganacsiyadii Muqdisho, isla markaana uu yeeshay ciidamo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo taageera danihiisa Soomaaliya.

“Dadka qaar waxay ku doodayaan in Xabashida iyo Turkiga ay kala duwan yihiin oo Turkigu yahay dal islaam ah oo ilaalinaya xeebaha Soomaaliya, balse Turkiga loogama baran taas horay ayuu gaalada uga difaaci diiday dalal ay ku jiraan Falastiin iyo Suuriya,” ayuu yiri Cali Dheere.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab wuxuu sheegay in aysan ogolaa doonin Turkiga lagu wareejiyo badda Soomaaliya, isagoo ku faanay inay ku filan yihiin inay ka hor-tagaan dhaqan galka heshiiskaas iyo damaca Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab aad ayey uga nacday heshiiska difaaca ah ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, qulqulatooyinka uu heshiiskaas soo afjarayo waxaa ka mid ah jiritaanka kooxdaan arxanka daran ee gumaada shacabka Soomaaliyeed oo aan waxaba ka galabsan, laheyna awood ay isaga difaacaan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla Kuntuwaarey
Next articleRagii Xalay Afduubtay Hadana Dilay Ganacsade Abuukar Axmed Kabax oo la Aqoonsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here