Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla...

Wararkii ugu Danbeeyey Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla Kuntuwaarey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo mar kale xalay ka dhacday gudaha degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan cusub ayaa lasoo wariyay in lala eegtay xarun iyo guri ay ku sugnaayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan kooxda oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in guriga la duqeeyay oo ku yaallo halka duqeyn tan ka horeysay todobaadkan ay ku garaceen diyaaradaha Mareykanka.

Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay weerarkan cirka ah, balse ma jiro wax hadal ah oo weli kasoo baxay dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay in dagaalamayaal badan ay geeyeen goobaha la duqeeyay, kuwaas oo shacabka u diidaya inay tegaan goobta oo xaalad adag ay ka jirto.

War kooban oo kooxda kasoo baxay waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu khasaare kasoo gaaray dad rayid ah, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana xog buuxda laga heli karin Kuntuwaarey oo ah degmo ay weli maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee magaaladan ka dhacay oo la fulayay ils todobaadkan ayaa waxaa lagu dilay 7 Shabaab ahaa, halka lagu dhaawacay 4 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Howlgalka oo ahaa duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada culus ee ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ad
Previous articleGamacsade Abuukar Axmes kabax oo Si Arxan daro ah loogu Dilay Muqdisho
Next articleKooxda AlShabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here