Home Wararka Somaliya Ragii Xalay Afduubtay Hadana Dilay Ganacsade Abuukar Axmed Kabax oo la Aqoonsaday

Ragii Xalay Afduubtay Hadana Dilay Ganacsade Abuukar Axmed Kabax oo la Aqoonsaday

0

Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyin dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraa’id qabtay afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

Afhayeenka ayaa warbixintiisa ku bilaabay waxa laga ogyahay dilka ganacsade Abuukar Axmed oo rag hubeysan ay xalay ku soo afduubteen gaarigiisa xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, waxayna ku dileen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

“Waxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, laguna soo helay meydkiisa, waxaana ragii dilay ku raadjooga hey’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka warbixiyey kiiska Xildhibaan hore Axmed Aadan oo ka soo jeeday gobollada waqooyi, kaas oo xalay ku geeriyooday hotel ku yaalla degmada Xamarweyne, isagoo sheegay in la soo qabtay qof lala xiriirinayo geeridiisa.

“Waxaa na soo gaartay xogta in xildhibaan hore uu ku dhex suuxay hotel uu ka deganaa Xamarweyne, waxaa ku baxay ciidamada amniga oo u tegay isagoo suuxay, waxaa la geeyey isbitaalka Martiini,halkas ayuuna ku geeriyooday, waxaa la hayaa eedeysane ay baaritaano ku socdaan si loo ogaado waxa sababay geerida marxuumkaas,” ayuu yiri Doodishe.

20 kiis oo shilal ah ayuu sheegay afhayeen in Muqdisho iyo gobollada dalka ay ka dhaceen toddobaadkaan, dhimashada labo qof kaliya ayuu sheegay inay sababeen shilalkaas, halka ay sababeen 9 kiis oo dhaawacyo culus ah iyo 12 kiis oo dhaawacyo fudud ah.

Ilaa afar dambiile oo maxkamaduhu xukumeen ayuu sheegay in toddobaadkaan loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Xamar, halka la sii daayey 24 qof oo dembiyo lagu waayey.

“18-kii Febraayo deegaanka Jaaw oo ka tirsan gobolka Galgaduud wuxuu eedeysane lagu magacaabo Gacal Makraan wuxuu rasaas ku dilay Cadar Isaaq Odawaa oo ku dhalatay Guriceel, wuxuuna ninkaas oo ka soo jeeday degmada Maxaas isku dhuftay xabad markii uu dilay gabadha, eedeysanaha isagoo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa Muqdisho, waxaana kiiskiisa gacanta ku haya booliska Galmudug,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Ad
Previous articleKooxda AlShabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga
Next articleMaxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun adag ku ridday saddex kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo lasoo qabtay iyaga oo dhaawac ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here