Home Wararka Maanta Koox Hubeysan oo Degmada Kaaraan ku dilay Haweenay Maamulka ka Tirsaneed

Koox Hubeysan oo Degmada Kaaraan ku dilay Haweenay Maamulka ka Tirsaneed

0

Kooxo hubeysan ayaa waxaa la sheegay in mid kamid ah Xaafadaha degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir inay ku dileen haweeneey ka tirsaneyd Maamulka degmada kadibna ay baxsadeen.

Haweeneeyda oo magaceeda lagu soo koobay Suldaano ayaa sida la sheegay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan ayaa tegay Aaga uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano wah wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Mas’uuliyiinta & laamaha ammaanka degmada Kaaraan weli kama hadlin dilkaas, hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay degmada Deeyniile lagu dilay guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee degmada Deeyniile.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo Caawa Shir Deg Deg ah yeeshay
Next articleQaramada Midoobey oo shaacisay inay Korortay Xadgudubyada Caruurta lagu Haayo Soomaaliya iyo Wadama Kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here