Koobka Aduunka oo markii ugu horeysay lagu furayo Quraanka Kariimka (Sawirro)

Dowlada Qatar ayaa daaciga wayn ee Dr. Zakir Naik ku casuuntay koobka kubada cagta ee adduunka oo habeen dambe ka furmaya magaalada Doha

Shiikha ayaa loogu baaqay inuu jeediyo muxaadarooyin diini ah inta lagu guda jiro Koobka Aduunka.

Dhinaca kale, Markii ugu horeysay taariikhda Koobka Aduunka ayaa lagu wadaa in lagu furo aayado ka mid ah Quraanka Kariimka.

Dawladda Qadar ayaa wiil lagu magacaabo Qanim Al Miftaa u xulatay inuu akhriyo aayadaha Quraanka Kariimka ee lagu furi doono ciyaaraha Koobka Qaramada Adduunka.