Home Wararka Caalamka Konton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci...

Konton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci la’aan yahay

0

Nin 74 jir ah ,oo hawlgab ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Ghana ayaa hadda ogaaday in ay qasab tahay in uu sugo 10 sano oo kale ka hor inta aanu Xafiiska Arrimaha Gudaha ka helin deganaansho rasmi ah oo dalka Britain ah, inkasta oo uu ku noolaa ku dhawaad ​​50 sano.

Sanado badan, Nelson Chardy waxa uu aaminsanaa in uu si toos ah u qaatay dhalashada Ingiriiska, sababtoo ah waxa uu ku noolaa muddo dheer dalka dhibaato la’aan.

Laakiin waxa uu ogaaday runta sanadkii 2019, kadib markii uu ogaaday in ay qasab tahay in uu lacag badan bixiyo si uu u helo adeeg caafimaad sababtoo ah ma uusan soo buuxin habraacyada degenaashaha dalka.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu kama hadlin arrintan.

Shardi waxa uu dalka Britain yimid sanadkii 1977-kii si uu u barto cilmiga xisaabaadka, isaga oo ku yimid fiisaha dal ku galka ee ardayda loo qoondeeyay, fiisaha ayaa sidoo kale u ogolaanayey inuu shaqeeyo.

Kadib afgambi militari oo ka dhacay Ghana, qoyskiisu uma soo diri karin lacag, sidaas darteed wuxuu bilaabay inuu shaqeeyo, wuxuuna u wareegay dhowr shaqo oo dukaamo ah, mana jirin cid waligeed weydiisay inuu tuso in haysto ogolaansho shaqo ama fiisaha degenaashaha Britain.

Ka dib waxa uu guursaday haweeney haysata dhalashada Ingiriiska, taas oo uu lasoo degay, waxa uuna furtay dukaan u gaar ah, ka hor intii aanay kala tagingxaaskiisa isaga oo markii danbe guursaday haweeney kale , taas oo u dhashay laba wiil oo kala ah Yacub iyo Aron.

Caruurtiisa ayuu si wanaagsan wax u baray, kadib markii ay jaamacad ka qalin jabiyeen, mid ka mid ah waxa uu noqday cilmi baare dhanka sayniska ah, halka kan kalena uu noqday Agaasime.

Sanadkii 2019, markii Shardi uu dalbaday baasaboor, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u sheegtay in uusan markii horeba ahayn muwaadin, isla markaana uusan xaq u lahayn inuu ku noolaado Britain.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleItoobiya oo Safiir Buuxa usoo Magacowday Soomaaliland
Next articleXildhiban Cabdiraxman Cabdishakur oo War kasoo Saaray Heshiikii Golaha Wadatashi Qaran