Home Wararka Maanta Itoobiya oo Safiir Buuxa usoo Magacowday Soomaaliland

Itoobiya oo Safiir Buuxa usoo Magacowday Soomaaliland

0

Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa, ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaa u jooga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir.

Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland.

Magacaabiddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhay qunsuliyaddii dalka Itoobiya ku lahaa Hargeysa.

“In safiir buuxa Itoobiya u dallacsiiso Konsularkii Guud waxay ka dhigan tahay in Itoobiya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd u dalacsiisay xidhiidh gaadhsiisan laba dal oo siman diblumaasiyad ahaan,” ayuu qabaa Cabdinaasir Axmed oo ah falanqeeye Arrimaha Geeska ah.

Tallaabdan ayaa uu sida oo kale Cabdinaasir sheegay in ay jawaab u tahay warkii ku aaddanaa xidhitaanka qunsuliyadda Hargeysa.

“Dabcan haa. Waa jawaab ku socota Soomaaliya in Itoobiya ay si cad u diidday inay xidho qunsuliyaddeeda, taas beddelkeedana u dallacsiiso safaarad dhammaystiran.”

Waa kuma Delil Kedir Bushra?

Mr Delil, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya u soo magacawday qunsuliyaddooda Hargeysa horraantii sannadkii hore. Bishii March ee 2023 ayaa uuna Madaxweyne Muuse Biixi ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Safiir Delil, ayaa hore uga soo shaqeeyey meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka soo noqday xoghayaha labaad ee wasaaradda.

Halka dhanka kale uu sida oo kale ka soo shaqeeyey safaaradaha Belguim ee dalkaas iyo ta Finland oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta siyaasadda ee sare.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Puntland oo Qabtay Hub Culus iyo Ragii Watay(Sawiro)
Next articleKonton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci la’aan yahay