Home Wararka Maanta Xildhiban Cabdiraxman Cabdishakur oo War kasoo Saaray Heshiikii Golaha Wadatashi Qaran

Xildhiban Cabdiraxman Cabdishakur oo War kasoo Saaray Heshiikii Golaha Wadatashi Qaran

0

Cabdiraxman Cabdishakuur oo Ka Hadlay Qodobadii Ay Ku Heshiiyeen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxda Maamul Goboleedyadu ayaa Yiri:

Tilmaamta ugu habboon ee heshiiska xalay la gaaray leeyahay waa in uu ahaa isku danaysi ku meel gaar ah, hal ku dhiggiisuna yahay “waa socon waynee aan orodno”.

Sanad ka hor Madaxweynaha iyo afarta maamul gobolleed waxay ku heshiiyeen in 30-ka June oo ah dhammaadka bisha soo socota la qabto doorashooyinka Dowladaha hoose, halka doorashooyinka xubnaha Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku xigeenka la qabto 30-ka November ee sanadkan.

Markii lagu guuldaraystay, rajana laga qabin in ay dhacayso ayaa lagu heshiiyey in waqti u qabashada doorashooyinka oo idilba la iska daayo, laguna gaabsado in doorasho qof iyo cod ah oo muddo iyo xilli lahayn la sheego.

Siyaasadda gudcur ku guurka ah ee lagu laray habdhaqanka musuqa, eexda, kali talinta iyo danaysiga waxay nuxuusiyeen, hamigii, hankii iyo ruuxdii dadwaynaha (public sprit), taasoo dilaysa yididiiladii ay shacabku ka qabeen hanaqaadka dawladnimada.

Dadka Soomaaliyeed iyo dunida na taageertaba waxaa dawlad loogu yahay, madaxda shirtayna lagu aqoonsanyahay waa sharciyad siyaasadeed. Madaxweynaha oo sanadkii seddaxaad galay, weli muddo xileedkiisii waqti ayaa uga harsan, laakiin madaxda dawlad gobolleedyada wuu ka dhammaatay, waana in ay ogaadaan in Madaxweynaha iyo muddada doorashooyinka oo la mideeyo midkoodna sharciyad siin karin.

Waxay ku qasbanyihiin in ay doorasho galaan, waxaa hubaal ah in isku danaysiga ku meelgaarka ahi uusan sii waari doonin, dalkana masiir mugdi ah lagu sii wadi karin ee ma iyagoo sita ayey doorasho gelayaan, mise waxay sugayaan inta laga sidan doono?

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKonton sano ayuu ku noolaa Ingriiska,hadda ayuuse ku baraarugay in uu sharci la’aan yahay
Next articleCiidamada Israel oo helay Qaar kamid ah Meydadka dadkii Xamaas Afduubatay