Home Wararka Maanta Kiiska ikraan Tahliil oo Markale Cirka Isku Shareeray iyo Baarlamaanka Oo Soo...

Kiiska ikraan Tahliil oo Markale Cirka Isku Shareeray iyo Baarlamaanka Oo Soo Faragaliyay

0

Kulankii maanta ee xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo qaaday arrin la xiriirta Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo markale cirka isku shareereay, kadib wareysi cusub oo uu dhawaan bixiyey Fahad Yaasiin.

Arrintan oo aan qayb ka aheyn ajendaha kulanka maanta ayaa waxaa Golaha dhex-geeyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hor-hadlay Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa codsaday in la magacabo guddi soo baara kiiskaasi, si ay cadaalad u hesho sarkaalad Ikraan Tahliil.

“Waxaan rabaa inaan halkan kasoo jeedino annagoo ah xildhibaano Soomaaliyeed in kiiskii Ikraan Tahliil loo xil-saaro guddi baarlamaani ah oo arrintaas isku soo duba-rido oo cadaaladda horgeeyo,” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey in kiiska Ikraan uu noqday mid la’isku tuur-tuuray, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lasmeeyo baaritaan madax-bannaan.

Intaasi, kadib guddoomiyaha Golaha Shaabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hadalka qaatay ayaa sheegay inay tixgelin doonaan codsiga Jeesow, isla-markaana ay guddiga u saari doonaan kiiskaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu si gaar ah uga hadli doono kiiskan, si ay cadaalad u helaan qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

 

 

Ad
Previous articleIsbitaalka Wayn oo Laga Daahfuray Magaalada Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug(Sawiro)
Next articleFahad yaasiin oo Maantay Markale Daaha Ka Rogay Xogtii Ciidamadii loo Qaaday Eriteriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here