Khilaaf Hoose oo ka dhaxjira Saraakiisha Dagaalka iyo Madaxweyne Qoor Qoor

Wararka Galmudug Laga Helayo Ayaa sheegaya inuu Soo if baxay Khilaaf xoogan oo Soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Saraakiisha Dagaalka ka dhanka ah Ahlusuna Hogaaminaysay.

Khilaafkaan Ayaa yimid ka dib Markii Madaxweynaha Galmudug uu Culeys weyn Kala Kulmay Dagaalkii shalay ilaa Maanta ka dhacay Gurceel, islamarkaana Lagu dilay Saraakiil Sar sare kuwa kalna dhaawac uu ka Soo gaaray.

Waxaa la isku Khilaafay Habka istaraatiijiyada loo wajahay Dagaalkii Maalin ka Hor oo u Muuqday Mid Lagu Fududaaday si fududna Lagu laayay Askarta iyo Saraakiisha intaba.

Qoor Qoor Ayaa Aad u daneenayay oo kaliya Gurceel oo Ahlusuna ay dibad Joog ka yihiin, Blase waxay noqotay Culays waxuuna Saraakiisha uu ku Amrayay inay Dagaalka wadaan Balse waa Taa Mida La isku Fahmi waayay.

Dagaalkii shalay dhacay Ayaa ka duwanaa midkii shalay dhacay waxaana Sarkaal waliba oo Dagaalka ku jiray uu ku xisaabtamayay Hubka uu wato iyo askartiisa intaba, waxaana Maanta yaraa Qasaaraha Markii Loo Eego shalay wixii dhacay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*