Home Wararka Somaliya Galmudug Waa sidee Xaaladda Degmada Gurceel Saaka

Waa sidee Xaaladda Degmada Gurceel Saaka

0

Rasaas goos goos oo ay is weedaarsanayaan Ciidamadda Dowladda iyo Ahlusunna ayaa laga maqlayaa dhanka Waqooyi Beri ee Magaaladda gaar ahaa inta u dhaxeysa Jaamacadda iyo Shiikh Salaad Xeydar.

Goobahan ayaa ah halka dagaaladda ugu culus ay ka dhaceen labadii maalin ee lasoo dhaafay waana fariisinka ugu weyn ee Ahlusunna ku laheed degmadda Guriceel.

Waxaa jira dad aan tiro badneen oo wali ku go’doonsan xaafadda Istarliin kuwaa oo guryaha hoosta ka xirtay kadib markii ay waayeen fursad ay uga baxaan.

Sidoo kale waxaa dansan labo Shirkadood oo dhanka korontada ka shaqeeya oo magaaladda ku yaala si looga hortago in dhibaato hor leh aysan magaaladda gaarin madaama Hoobiyaal ay ku dhacayeen xaafadda qaar lkn waxa arintani yeelatay saameyn dadban oo dadka fara ku tiriska ee magaaladda ku harray ma heli karaan goobo ay taleefanadda ka dabeystaan.

Goobaha Waxbarshadda, Ganacsiga iyo qaar kamida Xarumaha Caafimaadka ayaa iskood u xirmay oo dagaaladdu saameeyeen, waxaana jira in Isbitaalka Istarliin ay shalay ku dhaceen Hoobiyaal waxyeelo gaarsiiyay Qalabka iyo dhismaha Isbitaalka.

Ad
Previous articleKhilaaf Hoose oo ka dhaxjira Saraakiisha Dagaalka iyo Madaxweyne Qoor Qoor
Next articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel ee Saaka iyo Rasaas La Maqlayo Wali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here