Home Wararka Somaliya Dhageyso: Dagaalka Guriceel ka Socda Goobaha la kala jooga iyo Qiyaanada Ahlu-suna...

Dhageyso: Dagaalka Guriceel ka Socda Goobaha la kala jooga iyo Qiyaanada Ahlu-suna Sameysay

0

Waxaa la isku habeensaday Guriceel iyadoo la kala joogo meeshii galabta lagu kala sugnaa dhinacyada ku dagaalamayey Magaaladaasi.

Wariyeyaal iyo dad goob joogayaal ah oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in mararka qaar caawa la maqlayo rasaas dhaceysa balse xoogii hubka la maqlayey maanta uu yara istaagay.

Dagaalkii galabta ayaa ahaa mid aad uxooganaa iyadoo lasoo sheegayo in khasaaro badan uu geystay.

Saldhiga Booliska iyo xarunta degmada guriceel waxaa kusugan caawa ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug sida uu sheegayo gudoomiye kuxigeenka amniga ee degmada guriceel anas cabdi macalin oo sidoo kale sheegay in meydadka dagaalyahanada ahlusuna ay magaalada daadsan yihiin sida uu warka udhigay.

Ad
Previous articleTaliyihii Ciidamada Haramcad ee Galmudug oo dhaawac Soo gaaray u geeriyooday
Next articleKhilaaf Hoose oo ka dhaxjira Saraakiisha Dagaalka iyo Madaxweyne Qoor Qoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here