Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Khilaaf Culus oo Markale ka Dhex Qarxay Dabageed iyo Cali Guudlaawe

Khilaaf Culus oo Markale ka Dhex Qarxay Dabageed iyo Cali Guudlaawe

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta buriyay go’aan uu horey madaxweyne ku-xigeenka maamulka Yuusuf Dabageed uu shaqada uga joojiyay wasiirro dhowr ah.

Guudlaawe oo fasaxay laba wasiir oo kamid ahaa afar wasiir oo bilowgii bishaan shaqada uu ka joojiyay Dabageed, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku sheegay in go’aankan uu ku yimid la tashiyo uu la sameeyay madaxweyne ku-xigeenka.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali,” ayaa lagu yiri wareegtada dib loogu fasaxay wasaaradahan.

Waxa sidoo kale lagu yiri qoraalka “Madaxweynaha ayaa talaabadani kala tashaday madaxweyne ku-xigeenka dowladda HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada dowladda HirShabelle, kuwaas oo laba kamid ah ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan.

Madaxweye Cali Guudlaawe ayaa ugu dambeyntiina faray wasiirrada wasaaraddaha warfaafinta iyo beeraha inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda.

Wasiirada kala ah ganacsiga iyo warshadaha Sakariye Khaalid Cabdi iyo wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Raxma Maxamed Guulle oo kamid ah wasiiradda horay shaqada looga joojiyay ayaa weli loo fasaxin howlahooda shaqo.

Wareegtadan ayaa isla maanta dhaqan-gal noqotay kadib markii uu saxiixay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Ad
Previous articleWaan Gaariraa oo Mudo kadib Kaso Muqday Gobalka Banaadir
Next article12 qof oo ku dhaawacmay Diyaarada Qatar Airways oo hawada ku jirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here