Home Wararka Maanta 12 qof oo ku dhaawacmay Diyaarada Qatar Airways oo hawada ku...

12 qof oo ku dhaawacmay Diyaarada Qatar Airways oo hawada ku jirta

0

12 qof ayuu dhaawac soo gaaray kaddib markii diyaaradooda oo ka timid Dooxa kuna socotay Dublin ay aad u ruxantay.

Duulimaadka oo tirsigiisu ahaa787-9 dreamliner ee Qatar Airways ayaa ruxan la kulmay markii ay dulmareysay Turkiga sidaasina waxaa sheegay garoonka diyaaradaha ee Dublin.

Kooxaha gurmadka degdegga ayaa garoonka uga hortagay diyaaradda markii ay soo degtay.

Lix ka mid ah rakaabka diyaaradda iyo lix kale oo shaqaalaha diyaaradda ahaa ayaa dhaawacmay. Sideed ka mid ah waxaa loo qaaday isbitaalka.

Rakaabka diyaaradda la socday ayaa sheegay in diyaaradda ay noqotay sida in ay dhaceyso ilaa 20 ilbiriqsi xilli dadka la siinayay cuntada iyo cabitaanka.

Qatar Airways waxay BBC-da u sheegtay in tiro yar oo rakaabka ka mid ah iyo shaqaalaha ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Dhacdadan ayaa timid kaddib markii nin u dhashay Britain oo 73 jir ah uu ku dhintay duulimaadkii Singapore horaantii toddobaadkan kaas oo sidan oo kale diyaaradda ay la kulantay ruxan.

Ad
Previous articleKhilaaf Culus oo Markale ka Dhex Qarxay Dabageed iyo Cali Guudlaawe
Next articleMuuse Biixi oo layimid Qorshe Cajiib ah oo uu Caalamka Uga Gadaayo Heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here