Home Wararka Maanta Khan Baba, ninka adduunka ugu xoogga weyn, oo raadinaya lammaane u wehel...

Khan Baba, ninka adduunka ugu xoogga weyn, oo raadinaya lammaane u wehel yeesha, culayskiisa xad-dhaafka ahna ku qaadata

0

Khan Baba waxa uu isugu yeeraa ninka ugu xoogga weyn Pakistan iyo guud ahaan dunida. Macgiciisa rasmiga ah waxaa Arbab Khizer Hayat Khan. Waxa uu dhashay Maarso 3, 1992 waxa uuna ku dhashay Mardan, KhyberPakhtunkhwa, Pakista.

Dheererkiisu waa 1.98 Miters halka culeyskiisuna uu yahay 436 kiilogaram. Xirfaddiisu waa lagdinta waa Youtuber. Waa nin Mulsim ah oo hantidiisa lagu qiyaasay 260 kun oo doolar.

Iskuulka Mardan Model ayaa ka baxay ka dibna waxa u uku biiray Jaamacadda Abdul Wali Khan University.

Misaankiisa ayaa bilaabay inuu kordho kaddib markii uu gaaray 18 jir waa uuna sii kordhayay tan iyo markaasi.

Waligiis ma uusan la kulmin wax dhibaato ah oo la xiriirta culeyskiisa sii kordhaya; wuxuu sheegay inuu ku ilaaliyo cunto dheeli tirsan. “Ma qabo wax cudur ah, miisaankaygana wax raaxo la’aan kuma dareemayo.”

Waxa uu sharraxay qiso hadda ka hor qabsatay waxa uu yiri “aabbahay waxa uu isiiyay baabuur, mar aan fadhiistay kursiga dambe, ayaa waxaa jabtay qeybta dambe ee gaariga. Aad baan u xishooday, laakiin aabbahay wuu qoslay oo keliya.

Wuxuu sheeganayaa inuu isticmaalo in ka badan 10,000 oo kaloori ah maalin kasta. Wuxuu cunaa 36 ukun, 4 digaag ah, 3 kiiloogaraam oo hilib cas ah, iyo 5 litir oo caano ah maalintii.

Waxa uu qaadanayay cuntadan tan iyo markii uu miisaankiisu kordhay, waligiina lamuu kulmin wax dhibaato dhanka caafimaadka ah.

Waxa uu ku andacoonayaa in uu isu diyaarinayo tartanka cuslays qaadista, dadka deegaanka Mardan waxa ay u arkaan halyey.

Waxa uu doonayaa in miisaankiisu gaadho 500 oo kiilogaraam, waxa uu hal gacan ku joojin karaa cagaf, maalintiina waxa uu sameeyaa jimicsi saddex saacadood ah.

Khan Baba ma guursan, waalidkiisna waxay rabaan inuu guursado. Waxa la kulmay oo uu la sheekeystay in ka badan 300 oo gabdhood todobadii ilaa siddeedii sano ee la soo dhaafay balse dhammaantood waa ay diideen, inkastoo misaankoodu ahaa miisaan dhexdhexaad ah. Hadda waxa uu tixgalinayaa inuu helo gabar misaan culus oo culeyskiisa iska xajjinka karta.

Ad
Previous articleWax badan ka ogow labada nin ee Deni kula loolama Puntland
Next articleDood adag oo ka dhalatay weerar uu Macalimuu ku qaaday guddoomiye Abshirow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here