Home Wararka Maanta Dood adag oo ka dhalatay weerar uu Macalimuu ku qaaday guddoomiye Abshirow

Dood adag oo ka dhalatay weerar uu Macalimuu ku qaaday guddoomiye Abshirow

0

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa maanta weeraray guddoonka golaha shacabka, waxaana hadal uu golaha ka jeediyey ka dhalatay dood culus.

Macalimuu ayaa yiri “Guddoomiye waxaa tiri waa in xildhibaanadu soo xaadiraan kulamada golaha, waa arrin fiican, laakiin waxaan rabnaa in guddoonkuna soo xaadiro oo maalmaha arrimaha masiiriga ah laga hadlayo aan Abshirow kaliya naloo soo dirin, taasi baarlamaanka ayey liidnaan ku tahay ee hala bedelo.”

Intaas kadib waxaa soo istaagay oo makarafoonka qabsaday xildhibaano u doodaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Abshirow, kuwaas oo raali gelin ka dalbaday Macalimuu.

“Xildhibaan Macalimuu waxaan ka rabnaa inuu raali gelin bixiyo, sababtoo ah Abshirow wuxuu ka mid yahay guddoonka golaha, hadii nabad laga rabo baarlamaanka hasoo istaago Macalimuu raali gelina ha bixiyo, hadii kale guddiga xeer hoosaadka tallaabo haka qaado xildhibaankaas,” ayuu yiri Xildhibaanka bilaabay dooda ka dhalatay hadalkii xildhibaankaas.

“Walaalkey Macalimuu waa hafay ee hasoo istaago raali gelina ha bixiyo, Abshirow nin ka soo diro maaha ee waa guddoomiye la soo doortay,” ayey tiri Xildhibaan kale.

Intaas kadib Xildhibaan Macalimuu ayaa ku soo laabtay masraxa, wuxuuna sheegay in hadalkaas uusan gef kala jeedin ee maalintii dood adag ay jirto oo arrimo masiiri ah uu baarlamaanku ka hadlayo uu shir guddoon ka noqdo guddoomiye Abshirow.

“Hadii la dhibsaday hadalkaas oo guddoomiyuhu uu raali gelin ku qancaayo hala iga raali noqdo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaana halkaas ku joogsatay doodii ka dhalatay hadalkiisa.

Ad
Previous articleKhan Baba, ninka adduunka ugu xoogga weyn, oo raadinaya lammaane u wehel yeesha, culayskiisa xad-dhaafka ahna ku qaadata
Next articleKunciil Kadiye oo loo dilay lacag Dhan Nus Doolar iyo Ninkii Dilay oo lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here