Home Wararka Somaliya Puntland Wax badan ka ogow labada nin ee Deni kula loolama Puntland

Wax badan ka ogow labada nin ee Deni kula loolama Puntland

0

Dhawaan waxaa ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka Puntland, doorasho qof iyo cod ah, oo ahayd heer dagmo. Dadka ayaa codkooda siinayay musharrixiin u tartamayay golayaasha deegaanka, kuwaas oo xubno ka ah ilaa todobo urur siyaasadeed oo ka qayb galay tartankaan.

Natiijadii ay shaaciyeen guddiga dorashooyinka. ayaa waxaa ugu sarreeyay saddex urur siyaasadeed, kuwaas oo kala ah; 1.Kaah, oo uu hogaamiyo madaxweynaha Puntland Siciid Dani 2. Mideeye, oo uu hogaamiyo Assad Diyaano iyo 3. Sincad, oo uu hogaamiyo Axmed Jabiye.

Hadaba wa ayo labada nin ee hogaamiya labada urur ee galay kaalimaha labaad iyo saddexaad, kuwaas oo dabcan noqonaya, hoggaanka mucaaradka ee Puntland.

Assad Diyaano:

Assad Cabdullaahi Diyaano, waxa uu madax ka yahay urur siyaasadeedka Mideeyo oo dhowaan ka mid ah ururadii kusoo baxay doorashadii dowladaha hoose ee ka dhacay deegano badan oo Puntland. Ururkiisa ayaa galay kaalinta labaad ee natiijada doorashooyinka.

Ururkaan ayaa hora yuga codad batay kan uu hogaamiyo madaxweyne Dani, doorashooyinkii ka dhacay magaalooyunka Qardho, Ayl iyo Ufeyn.

Doorashadii madaxweynenimada Pungtland ee dhacday sanadkii 2019 kii ayuu noqday musharraxii wereegga ugu dambeeyay ee doorashada la gaaray madaxweynaha talada haya, Siciid Cabdullaahi Deni. 4 cod ayaa looga adkaaday doorashada.

Assad, wuxuu mar soo noqday taliyaha ciidamada PSF ee Puntland. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa u magacaabay xilka.

Balse ciidamadaas ayaa noqday kuwa muran badan ka dhaliyay gudaha Puntland, kaas oo markii dambe isku badalay gacan ka hadal. Dagaal socday dhawr maalmood, oo dhaxeeyay PSF iyo ciidamada joogtada ah ee Puntland ayaa ka dhacay gudaha Boosaaso, kadib markii madaxweyne Dani uu 24tii bishii Nofeembar, 2021-dii wareegto uu soo saaray xilka kaga qaaday agaasimihii PSF-ta Maxauud Cusmaan Diyaano oo ay walaalo yihiin Assad.

Jabiye:

Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye), waa hogaamiyaha urur siyaasadeedka Sincad ee Puntland, kaas oo galay kaalinta saddexaad, natiijada doorashooyinkii heer dagmo ee dhawaan ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka Puntland.

Jabiye, wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii ugu cadcadaa ee doorashadii 2019 kii ka dhacday Garowe, taas oo ahayd mid madaxweynenimo. Balse wuxuu ku haray wareeggii labaad ee doorashada.

wixii ka dambeeyay xilligaas, wuxuu wali sii waday dhaqdhaqaaqiisa sidyaasadeed, isaga oo markii dambe qayb ka noqday nidaamka ururada ee lagu galay doorashooyinka ka dhacay Puntland.

Jabiye ayaa ah ganacsade qurbajoog ah oo ka yimid dalka Maraykanka.

Doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday Puntland ayaa lagu tilmaamat in ay tahay mid taariikhi ah, taas oo hormuud u noqotay doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya. Waxay ka qabsoontay sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya caleema-saarka Erdogan Gaarayna Dalka Turkiga
Next articleKhan Baba, ninka adduunka ugu xoogga weyn, oo raadinaya lammaane u wehel yeesha, culayskiisa xad-dhaafka ahna ku qaadata

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here