Home Wararka Maanta Kenya Oo Dil ugaysatay Al-Shabaab Qaraxyo Wado Ku Aasaysay

Kenya Oo Dil ugaysatay Al-Shabaab Qaraxyo Wado Ku Aasaysay

0

Ciidamada Kenya ayaa 16-kii February waxa ay saddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dileen degaanka Sarira oo ka tirsan gobolka xeebta ee Lamu, una dhow xadka Soomaaliya, sida uu sheegay wargeyska Daily Nation.

Saddexda xubnood ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay wax yar ka dib markii bam ay ku xireen waddo dhinaceeda, sida uu wargeysku sheegay.

Ciidamada oo ku howlgala magaca Amani Boni, ayaa sidoo kale soo furtay labo qori oo AK-47 ah iyo labo qalab raadiyaha ah, ayay raacisay.

Ciidamada Kenya ayaa Amani Boni bilaabay sanadkii 2015 si ay uga saaraan Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan keynta Boni ayna qal qal geliyaan xasiloonida degmooyinka Lamu iyo Garissa.

Ad
Previous articleGaraadyada SSC oo shuruud cusub ku xiray wada-hadal ay la furaan Somaliland
Next articleAlshabaab oo Markale Gudaha ugalay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here