Home Wararka Caalamka Kala bar Taangiyada Ruushka oo lagu Burburiyay Dagaalka Ukrain

Kala bar Taangiyada Ruushka oo lagu Burburiyay Dagaalka Ukrain

0

Waxaa la rumeysanyahay in Ruushka uu dagaalka ku waayay boqolaal taangiyadeed ah iyada oo uu dagaalka Ukraine socdo muddo labo bil ah.

Qubarada amniga waxa ay sheegayaan in ay ugu wacantahay hubka lidka taangiyada ee ciidamada Ukraine ay ka heleen reer Galbeedka.

Waxase ay sidoo kale qabaan in Ruushka ay si qaldan u isticmaaleen taangiyada, taasina ay keentay in la burburiyo.

Qiyaasaha haddala hayo waa in illaa 680 taangi laga burburiyay Ruushka, iyada oo bogga Oryx oo ka faalaadooda arrimaha dagaalka uu qiyaastan u cuskaday sawirro laga heley goobaha dagaalka.

Wuxuu boggani qoray in Ruushka ay sidoo kale lumisay wax ka badan 2 kun oo gawaarida gaashaaman ah ee aan taangiyada ahayd.

Sida ay sheegeen mac-hadyada RAND iyo IISS , Ruushka waxa uu dagaalka u direy 2,700 taangi.

Muxuu hubka Ukraine ka taray taangiyada Ruushka?

Biloowgii dagaalka, Maraykanka waxa uu Ukraine siiyay illaa 2 kun oo ah gantaalada loo yaqaano Javelin, iyada oo sidoo kale labo kun oo dheeraad ah loogu daray ciidanka Ukraine.

Gantaalada lidka taangiyada ee Juveline

XIGASHADA SAWIRKA,.

Qoraalka sawirka,Gantaalada lidka taangiyada ee Juveline

Waxaa gantaaladan samaysay shirkadda Lockheed ee Maraykanka, waxayna sheegtay in marka la gamo uu haleelo qeybta sare ee taangiga, halkaas oo uu ka jilicsanyahay difaaca.

Maadaamaa taangiyada Ruushka ay leeyihiin nidaam difaac , gantaalada javelin waxa ay wataan labo madax, kan hore wuxuu burburinayaa difaaca taangiga, kan labaadna wuxuu burburinayaa gudaha taangiga.

Britain ayaa iyaduna ciidanka Ukraine siisay gantaalada lidka taangiyada ee loo yaqaano NLAWs ee fudud waxaana loo naqshadeeyay in ay ku dul qarxaan taangiga marka ay dul marayaan.

Nick Reynolds wuxuu ka tirsanyahay machadka RUSI , wuxuu yiri “Gantaalada Juvelin iyo NLAW waa kuwa waxgal ah, la’aantoodna xaalada Ukraine waxay ahaan lahayd mid sidan ka badelan”.

Dowladda Maraykanka ayaa Ukraine siinaysa 100 ka mid ah diyaaradaha yaryar ee drone-ska kuwaas oo inta ay dul istaagaan taangiga gantaal ku tuuleysa.

Ad
Previous articleRooble oo ka hadlay sanadguurada ciidamada xilli uusan ka qeybgalin munaasabadda.
Next articleGoobtii Lagu dhaarin lahaa Golaha Shacabka JFS oo la diyaariyay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here