Home Wararka Maanta Jeneral Gurey u loo magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo

Jeneral Gurey u loo magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo

0

General Cabaas Ibraahim Gurey ayaa loo magacaabay magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo magacaabay Taliyaha cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in dib-u-dhis lagu sameeyo Ciidanka Daraawiishta Qaybta Gobolka Gedo.

Tani ayaa imaanaysa maalin uun ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka gaysteen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo.

Ciidamada degan Xerada Gariley ayaa u badan kuwo ka amar-qaata General Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa 29-kii bishii June sheegay in xeraadaasi ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Militariga Kenya ee ka tirsan ATMIS ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa xeradaasi, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAgaasimihii Hay’ada Socdaalka Jinsiyada Soomaaliya oo Iscasilay Xili Shalay Eed loo Saaray
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Buuxiyeen Xarumihii Laga Saaray Ciidanka ATMIS