Home Wararka Maanta Agaasimihii Hay’ada Socdaalka Jinsiyada Soomaaliya oo Iscasilay Xili Shalay Eed loo...

Agaasimihii Hay’ada Socdaalka Jinsiyada Soomaaliya oo Iscasilay Xili Shalay Eed loo Saaray

0

Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), oo xeer-ilaaliyaha qaranka uu shalay kusoo daray liiska mas’uuliyiin loo haysto musuq-maasuq oo baxsad ah, ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay,

Qoraal dheer oo uu xalay soo saaray ayuu Cabdul ku sheegay inuu is-casilaadiisa u gudbiyay Wasaaradda Amniga Gudaha, isagoo beehiyay inuu wax khalad ah sameeyay. Hoos ka aqriso qoraalka.

War-saxaafadeed: Taariikh: 07/07/2023

Ugu horeyn waxaa mahad leh eebbe SWC oo ii suurtagaliyay muddo ku dhaw 2 sano inaan si hufan u guto waajibaadka qaran ee iga saarnaa hoggaaminta Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo kamid ah haldoorka hey’adaha dowladda ee bixiya adeegyada bulshada dhammaan dalka oo dhan.

Dowladnimada Soomaaliya waa mid kooban oo sahleysa in laga warqabo habsami socodka hawlaha maalinlaha ah midka ugu sareeya iyo midka ugu hooseya waxa ay qabtaan. Sida ay horay u xaqiijisay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaan ku soo baxay safar horay uqorsheysnaa taas o lagu shaaciyey Warbaahinta Qaranka ee dowladda.

Ma aysan jirin cid ila wadaagtay eed la ii heysto safarka kahor, waana sababta ay Wasaaraddu u shaacisay warqadda. Inkastoo aanan la soo bandhigin nooca iyo waxa aan ku edeysanahay, waa muhiim in sida sharciga Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda qorayo, qodobka 16aad ee Xilka iyo Awoodaha Agaasimaha Guud ee HSJ iyo guud ahaan mas’uuliyadda Hey’adda aysan ahayn meelna uga jirin ururinta iyo maamulidda dakhli dowladeed, waxaana hey’addu si buuxda ah u dhaqangelisay ku dhaqanka Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee dalka.

Muddadii aan hogaaminayay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa noo suurtagashay oo ay hey’adaha maamulka Maaliyadda iyo dakhliga illaa heer Madaxda Qaranku ka markhaati kaceen kor u qaadista dakhliga qaranka kasoo xarooda adeegyada socdaalka iyo dal-ku galka kasso sare ukacay 40%.

Maalinba maalinta ka danbeysa Hay’addu waxa ay sii gaareysay horumar hor leh, hadii ay ahaan leheed in la dhiso xarumo cusub iyo bar xadudedyo hor leh si adeega dowladda loo gaarsiyo dhamaan muwadininta soomaliyeed meel walba ay joogaan. Waxaa sidoo kale qorshaysan in sanadkan ay dalalka horumaray ee dunida ay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliya oo dadaal badan ku bixinnay.

Ad
Previous articleKhilaaf Xoogan oo Ka Dhex Taagan Wasaarada Maalyada Soomaaliya iyo Shaqoojin Hor leh oo la Sameeyey
Next articleJeneral Gurey u loo magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here