Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Buuxiyeen Xarumihii Laga Saaray Ciidanka ATMIS

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Buuxiyeen Xarumihii Laga Saaray Ciidanka ATMIS

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shaaciyay in ay si buuxda ula wareegeen xarumihii ay baneeyeen ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Xarumahan oo ay la wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa baneeyay 2,000 oo kamid ah ciidamada ATMIS, oo qorshuhu ahaa inay dalka ka baxaan daba-yaqaada bishii June.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno in aan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo kamid ah ciidanka ATMIS, taas oo ah heshiiskii horay loo galay,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican.”

Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga dalka ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaar-garoobeen inta ka dhiman dhamaadka 2024-ka, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu umahad-celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay fulinta qorshahaan, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo iyagu ka shaqeeyay in xarumahaasi si nabdoon loogala wareego ciidanka ATMIS.

“Waxaa leeyahay waa mahadsan tihiin hay’adihii iyo dhamaan kasoo qeyb-galayaashii fursadaas lagu wareejinayay ciidamadeenii qaranka masuuliyadaas ka qeyb qaatay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku garab istaagan dowladda iyo ciidankooda sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

“Shacabka waa in ku kalsoonaado oo ogaado in amnigeena inaga sugano inay tahay qeyb ka mid ah xoriyadeena iyo gobonimadeena, sidaas darteedna ay ku kaalmeeyaan wiilashooda iyo gabdhahood inay la wareegeen amnigooda.”

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleJeneral Gurey u loo magacaabay taliyaha ciidanka daraawiishta Gedo
Next articleBurcad dhac ka waday xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)