Home Wararka Maanta Jeneraal Incadde oo ka Hadlay Musharaxnimada Siciid Deni

Jeneraal Incadde oo ka Hadlay Musharaxnimada Siciid Deni

0

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo markii u horeysay wax laga weydiiyay musharaxnimada madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ee xilka u sareeya dalka ayaa sheegay in Deni uu jaanis wanaagsan u muuqdo.

Indha-Cadde ayaa sheegay in Saciid Deni uu soo saartay Xildhibaano badan oo u gudbin kara wareega 2-aad ee tartanka madaxtinimada dalka.

“Saciid Deni waxa uu arkay jaanis oo wuxuu is-yidhi jaanis ayaa haysata. Farmaajo iyo Deni meel lagu tartansiiyo mayba gaadhinba, oo waa la arkay sida uu u dhaqmay Farmaajo, waxaanba isleeyahay asaga (Deni) ayaa doorashada qof iyo cod ah ka bilaabay,” ayuu yiri.

Jeneraal Indha-Cadde ayaa madaxweyne Deni ku amaanay doorashada uu ka hirgeliyay maamulkiisa, taasina ay aad u kala fogeynayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay inta uu joogo Villa Somalia in uu dalka dhowr jeer u horseeday hubanti la’aan amni, iskuna dayay in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu si sandule ah uga laabtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey in hadafkiisa ugu weyn uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo.

Saciid Deni ayaa asagu ku tashanaya Xildhibaanada uu gacantiisa kusoo saartay iyo kuwa kale ee usoo saaray saaxiibkii Axmed Madoobe, wuxuuna ololihiisa doorashada hal ku dhig uga dhigay “Bedelida Farmaajo iyo taageerada musharax kasta oo aragtidaas qaba”.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

“Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”

Ad
Previous articleCiidamada new police oo Dad Shacab oo kasoo Jeeda Galmudug layay
Next articleDeg Deg: Dagaal Ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Garoonka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here