Home Wararka Maanta Janaraal cabdalla Cabdalla oo Darajadiisii Dib loogu soo Celinaayo

Janaraal cabdalla Cabdalla oo Darajadiisii Dib loogu soo Celinaayo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Jeneraal Saadaq Joon dib loogu soo celiyay derajadii ciidanka iyo sidoo kale xaquuqdii uu ku lahaa booliiska Soomaaliya.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in sifo aan sharci aheyn markii hore derajada iyo xaquuqdiisaba looga qaaday Saadaq Joon, waxa uuna tilmaamay in hadda caddaaladii si tartiib tartiib ah usoo laabaneyso.

“Waxa aan rabaa in aan u hambalyeeyo halkaan Caddaalad u soo laabatay Gen. Saadaq Joon oo ah Xildhibaanka Saaxiibkeen ah oo caawa dib ugu soo laabatay derajadiisa sida dambiga ah ee xaqdarrada ah looga qaaday markii uu kahor yimid dulmigii dalka ka jiray, waxa aan rajeyneenaa in qof weliba caddaaladdii luntay oo dhan in tartiib-tartiib dib loogu soo celiyo ayaan rajeyneenaa” Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu socdo qorshe dib derajooyinka ciidan loogu celinayo  Gen. Cabdalla Cabdalla oo horey usoo noqday taliye kuxigeenka hay’adda NISA, waxaana sargaalkan isna darajadiisa ka xayuubiyay Madaxweyne Farmaajo.

Jeneraalkan katirsanaa hay’adda NISA ee darajada laga xayuubiyay ayaa la sheegay in ay isku dhaceen taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin sidaa darteedna madaxweynaha u qaatay go’aan ah in derajada ka qaado sidoo kale xaquuqdii uu NISA ku lahaa meesha ka saaro.

 

 

Ad
Previous articleRabshado ka Bilowday qeybo kamid ah dalka Kenya kadib natiijadii doorashada
Next articleAskar ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis oo QARAX lagu Laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here