Home Wararka Caalamka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo: Waxaa nagu soo Duulay ciidamada Rwanda

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo: Waxaa nagu soo Duulay ciidamada Rwanda

0

Saraakiisha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ciidamada Rwanda ku eedeysay inay duulaan ku qaadeen dalkaas kadib markii ay ku eedeysay Rwanda inay taageereyso fallaagada M23 oo la wareegtay magaalada Bunagana,oo dhacda gobolka North Kivu.

Fallaagada M23 ee ka howlgasha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa Isniintii qabsatay magaaladaas, waxayna ciidamadii halkaa joogay ku qasbeen inay u cararaan dhinaca Uganda.

Bunagana, waa magaalo istaraatiiji ah oo ganacsi leh iyadoo badeecadaha la isaga gudbiyo labada dal.

Bayaan ay soo saareen maamulka gobolka North Kivu ayaa lagu sheegay in “ciidamada Rwanda ay go’aansadeen in ay ku xad gudbaan madaxbanaanida dhulkeena ayna qabsadaan magaalada Bunagana”.

Qabsashada magaaladan ayay ku tilmaameen “duulaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo” .waxayna intaas ku dareen in ciidamada DRC ay difaaci doonaan dalkooda.

Rwanda ayaa marar badan ku tilmaantay qalalaasaha ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo “arrin gudaha ah”

Rwanda waxay beenisay inay taageerto fallaagada M23.

Ad
Previous articleAbiya Axmed oo Wadahadalo La Furaaya Kooxda Mayalka adag ee TPLF
Next articleSafiirka Somaliya ee Kenya oo ka baxay Shir Madaxweynaha Kenya uu isugu yeeray Diplumasiyiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here