Home Wararka Maanta Jadwalka 6 kursi oo la Shaaciyay Xliga La Qabanaayo yaa Ku Fadhiyay(Aqriso)

Jadwalka 6 kursi oo la Shaaciyay Xliga La Qabanaayo yaa Ku Fadhiyay(Aqriso)

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay gudaha magaalada Baydhabo.

Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa soo saartay jadwal cusub oo ku aadan qabashada doorashada lixdaan kursi oo kala Hop#275, Hop#230, Hop#183,  Hop#178, Hop#050 iyo  Hop#253.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 1-da bisha March la soo gudbin doono ergada, kadibna la siin doonto tababaro ku saabsan doorashada.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in diwaan-gelinta musharixiinta ay bilaabaneyo labada bisha, kadibna saddexda March la qaban doono doorashada lixda kursi ee la shaaciyey.

Yaa ku fadhiya lixda kursi?

1-Hop#275 waxaa ku fadhiya Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

2-Hop#230 waxaa ku fadhiya Pro. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

3-Hop#183 waxaa ku fadhiya Sandheere Maxamed Iftin.

4-Hop#178 waxaa ku fadhiya ku fadhiyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

 

5-Hop#050 waxaa ku fadhiya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah wasiirka shaqada & arrimaha bulshada Soomaaliya

6-Hop#253 waxaa ku fadhiso Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta ballantii ugu dambeysay ee Golaha Wadatashiga Qaran oo shaaciyey in doorashada Baarlamaanka lasoo gabagabeyn doon 15-ka March 2022-ka.

Ad
Previous articleHowlgal Culus oo Xalay laga Sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Dad lag Soo Qabqabtay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hortimid Heshiis ay Dhawaan Galeen Soomaaliland iyo Taywaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here