Home Wararka Maanta Howlgal Culus oo Xalay laga Sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Dad lag Soo...

Howlgal Culus oo Xalay laga Sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Dad lag Soo Qabqabtay

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal culus ka sameeyey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho kaas oo u ujeedkiisu ahaa la dagaalanka waxyaabaha maan dooriyaha.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, iyada oo lagu soo qabtay maan dooriye dadkii ka ganacsanayey.

Dadka lasoo qabtay waxaa ka mid ah haweeney qiratay inay iibineysay maanka dooriyaha balse waxa ay sheegtay inay u geysay daruuf, haddana ay iska dhaafi doonto.

Taliyaha saldhigga degmada Xamarjajab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay howl-galka qaadeen, iyaga oo fulinayo amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

“Innaga oo fulineyna Amar kasoo baxay Madaxda Dalka waxa aan ku dhaqaaqnay howlgal aan kula dagaalameyno Walxaha maanka-Dooriya.

howlgalkaan waxa uu qayb ka yahay howlgallo ballaaran oo ka socda 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir” ayuu yiri taliyuhu.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka Xamarjajab Mucaawiye Muudey oo ka hadlay howl-galka laga sameeyey degmada ayaa soo dhoweeyey, wuxuuna sheegay inay sii socon doonaan si loo xaqiijiyo amniga.

Dhowaan duqa Muqdisho ayaa shaaciyey inay laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah maan dooriyaha, isaga oo uu sheegay dadka isticmaalah ay ka halis badan yihiin kooxaha kale ee qaraxyada iyo dilalka ka geysta magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga, maadaama lagu jiro doorasho ayna soo bateen falalka amni darrada.

Ad
Previous articleDowlada Ruushka oo Markii ugu Horaysay Ka Hadashay qasaaraha Kasoo Gaaray Dagaalka Kasocda Ukrain
Next articleJadwalka 6 kursi oo la Shaaciyay Xliga La Qabanaayo yaa Ku Fadhiyay(Aqriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here