Home Wararka Maanta Itoobiya oo Banaanka Soo dhigtay Sir Badan oo Muuse Biixi Qariyay

Itoobiya oo Banaanka Soo dhigtay Sir Badan oo Muuse Biixi Qariyay

0

Lataliyaha amniga Qaranka ee Itoobiya, Redwan Hussein oo wareysi siiyay Telefishenka Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in shanta qoddob ee Is-afgaradka ugu muhiimsan ay yihiin-:

1- In Muuse Biixi ay kula heshiiyeen dhulka( Laga bilaabo xadka Itoobiya ee xuduudda dhulka ilaa inta ku aaddan badda) taas oo ka duwan wixii uu sheegay Muuse Biixi oo ahayd in badda oo keliya ka kireyeen.

2- In aqoonsi u raadinta Somaliland laga wadahadli doona oo keliya marka ay Somaliland saxiixdo heshiiska bixinta dhulka iyo badda.

3- In an weli laga heshiinin saamiga Somaliland laga siinayo shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia airline.

4- In sidookale aanan laga heshiinin lacagta lagu kireynayo dhulka iyo badda.

5- In ay doorteen dhanka Lughaye, 20 kilomitir na ay ka badan karto dhulka ay rabaan. Wuxuu intaa raaciyay in tareen iyo waddo laami ah ay ka dhisi doonaan badda ilaa xadka Itoobiya.

Halkan waxaa ku cad in Muuse Biixi uu ku kacay khiyaano qaran. Weli fursad ayuu haystaa kaga laaban karo is-fagaradka,.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo ka Dhacay Mudug iyo Taliye Suulnuug oo ku Geeroyooday Dagaalkaas
Next article“Waxaan dareemay xishood iyo cidlo” haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Puntland oo Warbaahinta la hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here