Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar oo ka Dhacay Mudug iyo Taliye Suulnuug oo ku Geeroyooday...

Dagaal Qaraar oo ka Dhacay Mudug iyo Taliye Suulnuug oo ku Geeroyooday Dagaalkaas

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudg.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Jeex-jeexa, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu gaystay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah taliyihii guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo hoggaaminayay dagaalka lagu qaaday Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in taliyaha uu markii hore soo gaaray dhaawac, kadibna uu u geeriyooday mar dambe rasaastii haleeshay.

Suulnuug ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degmada Aadan Yabaal iyo magaalooyink kale oo ku yaalla gobollada dhexe.

Sidoo kale waxaa dagaalkan oo saaka hore ay qaadeen ciidamada huwanta, soona gaaray illaa duhurkii ayaa waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen difaacyadii Al-Shabaab, uuna weli dagaalka ka socdo aagga deegaanka Jeex-Jeexa

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Burcad badeeda oo laga soo badbaadiyay markab iyo shaqaalihii la socday
Next articleItoobiya oo Banaanka Soo dhigtay Sir Badan oo Muuse Biixi Qariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here