Home Wararka Maanta “Waxaan dareemay xishood iyo cidlo” haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Puntland...

“Waxaan dareemay xishood iyo cidlo” haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Puntland oo Warbaahinta la hadashay

0

Barlamaanka Puntland oo ah kii lixaad ee ay maamulkaasi yeeshaan ayaa ku jira fadhiyadiisii caadiga ahaa, ka dib markii xildhibaannada cusub ay doorteen guddoonka golahaas afartii bishan Jannaayo.

Mudanayaasha ku jira golahan wakiillada ayaa ku yimid xulista hannaanka qabaliga oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Puntland.

Muno Axmed Cabdalla ayaa noqotay haweeneyda keliya ee ku soo baxda barlamaanka haatan ee Puntland oo inta kale ay ka kooban yihiin rag.

Sida caadiga ah, way ku yar yihiin haweenka baarlamaannada maamul-goboleedyada Soomaaliya, iyo guud ahaanba kan federaalka, marka loo barbardhigo tirada ragga.

Baarlamaannadii ugu dambeeyay ee Puntland ayaa sidan kan oo kale ay hal gabar uun kusoo bixi jirtay.

Muno oo 57 jir ah, wareysi ay siisay BBC waxay ku sheegtay inay dareentay xishood iyo cidlo markii ay kali ku noqotay gole intiisa kale ka kooban rag.

“Marka uu guddoomiyuhu yiraahdo mudanayaal iyo marwo waxaan dareemaa xishood anoo is dhaha waxaad dhex fadhidaa 65 xildhibaan oo rag ah, haddana waxaan isku dhiirrigaliyaa haddiiba aad dumarkii meesha adigu ku matalayso oo fadhido waa guul,” ayey tiri xildhibaanad Diyaano.

Waxay intaa ku dartay in markii ay ogaaneysay inay ku jirto liiska baarlamaanka, uu xildhibaan hore oo ka tirsanaa barlamaanka federalka oo ay isku meel ka soo jeedaan ku garaacay qolkii ay ka dagganayd hoteel ku yaalla magaalada Garoowe xilli dambe oo afartii habeennimo ah una sheegay in magaceedu ku jiro liiska ay ku dhawaaqeen guddiga xallinta khilaafaadka si weyna ay ugu faraxday.

“Waxaan dhihi karaa waxaan xildhibaannimada hadda ku helay in Alle iiga dhigay calaf iyo isinkayga dhaqanka oo si gaara iigu magacaabay, laakiin aniga reerka waxay ku ahayd waxaan dhihi karo duumo runtii” ayey tiri Muno Diyaano.

Muno oo ah hooyo leh afar carruur ah, waxay raadinaysay xildhibaannimo muddo ka badan 12 sano, laga soo bilaabo 2012-kii xilligaas oo ay BBC-da u sheegtay inay la kulantay caqabado dhankasta ah.

“Arrintan waxaan soo bilaabay raadinteeda xildhibaan federaal ah laakiin waa la iga hor istaagay dhaqan iyo siyaasiyiinta beeshaydaba ah, 2022-kii kursigii kii aan raadiyey waxaan ku waayey in loo tiriyey in carruurtaydu ka soo jeedaan Muqdisho, waayo waa sax oo dhaqanka Soomaalida in khaldan ayaa ku jirt oo tiraahda haweenaydu waxay ku hayb tahay reerka ay u dhaxdo, basle waa mid khaldan runtii,” ayey intaas ku dartay Muno.

Muno, waxay sheegtay inay cod hadda u tahay dhammaan haweenka Puntland oo ay iyadu u fadhido barlamaanka taasna ay ku xanbaarayso sida ay BBC-da u sheegtay inay dareemayso mas’uuliyadd weyn oo ka duwan ragga la fadhiya golaha.

“Waxaan u qareemayaa haweenka iyo gabdhaha da’da yar, anigoo ka dalbanaya xildhibaannada ragga ah inay igu gacan siiyaan inaan ahaado qof dumarka u joogta golaha kuwa loo qareemayo, kuwa la caawinayo iyo kuwa wax tirsanayaba inaan awooddayda isugu dayo inan caawiyo” ayey tiri xildhibaanad Muno.

Ad
Previous articleItoobiya oo Banaanka Soo dhigtay Sir Badan oo Muuse Biixi Qariyay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Qalinka Ku Dugay sharci burinaya damaca badda ee Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here