Home Wararka Maanta Israel oo sheegtay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah sidoo...

Israel oo sheegtay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah sidoo kale la afduubay

0

Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan ayaa waxaa uu lahaa labo weji.

Tobaneeyo nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil.

Raggan hubeysan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay qalabka bixiya digniinada.

Maleeshiyaadka ayaa ku galay Israa’iil mootooyin, waxaana jira warar sheegaya in rabshado ay ka dhaceen in ka badan labaatan goobood.

Raadiyaha Israel ayaa sheegay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay. balse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta afduubka la sheegay in ay Xamas geysteen.

Wajiga labaad ee weerarka xamaas ayaa ahaa mid dhanka gantaalada ah oo ay Israa’iil ku gareen.

Taliye sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku andacoonaya in kumannaan gantaal ay ku garaaceen gudaha Israa’iil.

Howlgalkan ayay kooxda Xamaas ugu magac dareen “Howlgalka duufaanta Al-aqsa.

Muuqaal aan wali si madaxbanaan loo xaqiijin ayaa muujinaya tiro askarta Israa’iil ah oo dhintay. Gawaari ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale la weeraray iyadoo qaarkood la qabsaday islamarkana ay dagaalyahanada Xamas u qaadeen Qaza.

Guuldarro sirdoon

Israa’iil ayaa leh mid ka mid ah shabakadaha sirdoon ee ugu ballaaran uguna casrisan Bariga Dhexe, gudaha iyo dibaddaba.

Waxay leedahay shaqsiyaad sirdoon oo wararka u soo gudbiya islamarkana ku dhex jira kooxaha xagjirka ah maahan dhulka falastiiniyiinta oo keliya laakiin Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale.

Waxaa horey sirdoonkooda ugu suurtagashay in ay dilaan hoggaamiyeyaasha xagjirka ah iyada oo la adeegsanayo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama xitaa taleefoonnada gacanta.

Haddana maanta, dhammaadka fasaxa Yuhuudda, waxay u muuqataa in lagu qabtay hurdadii oo la gaaday.

Xamas waxay awoodday in ay qorsheeyso oo ay fuliso weerarkan sida taxadarka leh loo agaasimay ee ay u muuqato in Israel ay ka war heli waysay.

Way iska caddahay in Israa’iil ay qaadi doonto weerar culus oo aargosi ah, balse waxaa taalla su’aasha ah sababta sirdoonkoodu ay ugu guuldareysteen in ay ogaadaan weerarkan islamarkana aysan digniin u bixin.

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo looga Dhawaaqay Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ku adkeeyey Mucaaradka Koonfurgalbeed Kana Farxiyay Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here