Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku adkeeyey Mucaaradka Koonfurgalbeed Kana Farxiyay Laftagareen

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku adkeeyey Mucaaradka Koonfurgalbeed Kana Farxiyay Laftagareen

0

Mucaaradka Koonfurgalbeed oo Waji gabax kala Soo Kulmay Kulan ay Madaxweyne Xasan Shiikh asbucii lasoo Dhaafay kula Soo QaateeN dhuusamareeb.

Kulanka Mucaaradka Koonfurgalbeed Waxaa Ka Horeeyey kulan Dhexmaray Laftagareen iyo Madaxweyne Xasan Shiikh isla Asbuucii Hore.

Mucaaradka Koonfurgalbeed oo Doonaayay inuu Dhaqan galo Heshiis Sanad kahor Baydhabo kusoo gaareen Muacaaradka Iyo Laftagareen kaas oo uu Goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh Heshiiskaas ayaana Dhigaayay in Bisha Soosocota ee 11naad la Qabto Doorashada koonfurgalbeed.

Balse Kulan ay Dhuusamarewmeb ku Qaateen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Mucaaradka Koonfurgalbeed ayuu Xasan Shiikh u Sheegay Mucaardaka in Doorashada Koonfurgalbeed la qaban Doono Bisha 11naad ee Sanadka 2024 Taas oo ka Dhigan in la Dhaqan Galinaayo Heshiisyadii Golaha wadatashi Qaran ee Mudo korarsiga loogu Sameyey Maamul Goboleedyada Iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mucaaradka koonfurgalbeed ayaana Ka Xumaaday Go,aanka Madaxweyne Xasan Shiikh kuwaas oo Balan Qaaday inay Tagi Doonaan koonfurgalbeed Doorashana Qabsan Doonaan.

Intaas ladib Xasan Shiikh ayaa u Cadeeyey inuusan Masuul ka ahayn Wixi Soo Gaara Hadii ay Baydhabo Garaan.

 

Ad
Previous articleIsrael oo sheegtay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah sidoo kale la afduubay
Next articleFaysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in ay Laascaanood dib ula wareegayaan kana Hadkay Booqashadii Madaxweynaha SSC khaatumo ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here