Home Wararka Maanta Israail oo Markaan U jihaysatay Yeman Duqaymana Ku Garaacay Dekada Yeman

Israail oo Markaan U jihaysatay Yeman Duqaymana Ku Garaacay Dekada Yeman

0

Isra’il ayaa sheegtay in Axaddi shalay ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil.

Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah.

Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale.

Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii wada madaafiicda ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku garaacayeen Lubnan. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay, in duqeymihi ugu danbeeyay ee Axaddi shalay lagu dilay ugu yaraan 105 qof. Dadka la dilay ayaa ku jira 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah.

Xisbullah iyo Isra’il ayaa duqeymo is weydaaranayay tan iyo 7-badi October, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Weeraradi ugu danbeyay ee ay Isra’il ka fulisay.

Isra’il waxay Sabtidi sheegtay, in ay dishay ugu yaraan 20 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha ugu sarreysa ee ururka Xisbulllah oo ay ku jiro Xasan Nasrallah.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax lagu Dilay Taliyihii Bardaale ee Koonfurgalbeed
Next articleMadaxweynaha Masar oo Si Adag ugu Hadlay kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya