Home Wararka Maanta Ismaacil Cumar Gelle oo Madaxweyne Xasan Sheekh guddoon siiyay billada ugu sareysa...

Ismaacil Cumar Gelle oo Madaxweyne Xasan Sheekh guddoon siiyay billada ugu sareysa dalka Jabuuti(Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu qasriga madaxtooyada Jabuuti ku guddoon siiyay abaal marinta (bilad) ugu sareysa dalka Jabuuti ee uu bixiyo madaxweynaha.

Munaasabad aad u qiimo sareysay oo lagu casuumay safiirada dalalka caalamka ee Jabuuti ku sugan iyo marti sharaf kale ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo hab maamuus aad u sareeya loogu muujiyay munaasabadaasi.

Hadal uu munaasabadaasi cashada aheyd uu ka jeediyay Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale dib loo doortay Xasan Sheekh iyo mashruuciisa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”

“Jabuuti waxay ahaan doontaa saaxiibka mudnaan koowaad leh iyo inaan taageerno go’aanka saxda ah ee ay qarankan walaalaha ah ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan maqaamkeedii hore ee heer gobol, qaarad iyo heer caalami,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Madaxweyne Xasan in uu nagu soo booqdo dalkeenna in kasta oo uu ajandihiisa aad u mashquulsan yahay, waxa ay tusaale u tahay walaaltinimada aan la qiyaasi karin ee isku xirta labadeena dal” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

“Waa muhiim in la xoojiyo xidhiidhka gaarka ah ee wadajirka, kaalmaynta labada dal iyo wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, madaxda ugu sarraysa ee rayidka ah iyo kuwa milateriga ah ee dalka ku sugan, iyo wakiillada qunsuliyadda iyo diblomaasiyadda ee dalka Jabuuti fadhiya ayaa ka qayb-galay casho-sharafta rasmiga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku qaabilay isagoo ku maamuusaya dhiggiisa Soomaaliya.

 

 

 

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la Kulmay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika iyo Saraakiisha ATMIS (Sawiro)
Next articleP.M Xamse ma Wuxuu Jabiyay Qodob Dastuuri ah Madaama uu dhaafay Xiligii loogu Talagalay inuu Wasiiro Kusoo Dhiso?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here