Home Wararka Maanta is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe oo Khasaaro Ka dhalatay

is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Garoowe oo Khasaaro Ka dhalatay

0

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa geeriyooday laba kalena waa ay dhaawacmeen kadib is rasaaseyn Magaalada Garoowe ku dhexmartay ilaalada madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ciidamada Taraafikada.

Is rasaaseynta ayaa la sheegey in ka dhalatay baabuur ay Ciidamada taraafikada ka xareeyeen Ciidanka madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo labada Ciidan ay degan yihiin Goobo isku dhow.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa kala dhexgalay Ciidamada dagaalamay, iyada oo dadka magaalada Garoowe uu saameeyay dagaalka dhexmaray labada Ciidan.

Wararka warbaahinta ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Afar askari loo xiray dagaalka dhexmaray Ciidamada Taraafikada iyo kuwa ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland si baaritaan loogu sameeyo.

Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal oo kamid ah meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay dhacdooyin ay kamid ahaayeen dilal ay askarta u geysteen dad Shacab ah iyo dhac dhalinyaro Burcad ah u geeysanayeen xilliyada habeenkii dadka Shacabka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleRa’iisul Wasaaraha Dalka Ciraaq oo ka badbaaday isku day dil oo lagu Qaarijin lahaa
Next articleGudoomiyaha Dhuusamareeb oo Xoolaha Nool iyo raashin ku Wareejiyay Ciidamada Galmudug (Sawiro)