Home Wararka Maanta Wararka laga helayo Shirka Dhuusomareeb oo maanta mar kale dib u bilowday

Wararka laga helayo Shirka Dhuusomareeb oo maanta mar kale dib u bilowday

0

Waxaa wali Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka socda Shirka wadatashiga ah ee u dhexeeya Madaxada  Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha  Maamul Goboleedyada dalka.

Shirka oo xalay saqdii dhexe la isla soo gaaray ayaa ahaa mid Qodobbo dhowr ah looga dooday xalay, waxaana jira sida warar hoose oo sheegaya in la isku mari waayay Qodobada arrinta Gobolka Gedo iyo Xildhibaanada ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Shirka ka dib waxaa billawday kulamo gaar-gaar ah oo ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada: Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ay si weyn kaga doodeen Qodabadii marki hore la siku mari waayay, iyadoo ay kulamadaasi gaar-gaarka ah ay dibad joog ka ahaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaaahi Deni.

Shirka wadatashiga ah ee u dhexeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlaladaha xubnaha ayaa haatan u muuqda inuu galay Marxalad xasaasi ah, iyadoo ay jiraan Qodobbo dhowr ah oo la isku mari la’yahay, arrimaha sida weyn la isugu haayo ayaa ah kuwo muhiim u ah doorashada dalka ka dhici doonta.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyay Shirka Dhuusomareeb iyo Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlay
Next articleIs-fahan laga gaaray Qodob kamid ah Qodobada Looga Hadlayo Shirka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here