Home Wararka Maanta Intabadan Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran Xili Dowlada Cusub laga Filaayay...

Intabadan Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran Xili Dowlada Cusub laga Filaayay inay Furto

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka iyo diyaar garow ku aadan xafladda caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa saaka kusoo waabariistay jidadka oo xiran, kadib markii lagu soo daadiyey ciidamo Boolis ah oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa guud.

Ciidamada ayaa wadooyinka ka celinaya gaadiidka dadweynaha, kan gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka Bajaajta, taas oo saameyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Isbitaalka Xooga, Sheekh Cali Suufi,  Isgoyska Banaadir, Soobe, KM4, Wadada 21 Oktoobar iyo jidka dheer ee Maka Al-Mukarama.

Arrintan ayaa si gooni saameyn ugu reebtay ardayda, dadka u socda shaqooyinka maalinlaha ah, kuwa aadaya goobaha iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa ganasiga.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiran waddooyinkaasi, balse waxaa loo sababeynayaa xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo wafdiga imaanaya Muqdisho.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa laba jibaaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkii ugu dambeeyey xalay laga sameeyey degmada Wadajir oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo ciidanka la dagaalamay.

 

 

Ad
Previous articleMidowga Dalladaha Waxbarashada Dalka oo Laba Garab u kala Jabay war Hor lehna Soo saaray
Next articleFaahfaahin: Dagaal ka dhacay magaalada muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here