Home Wararka Maanta Imaraadka Carabta oo Maantay Dowlada Soomaaliya Ku Wareejisay Lacagtii dhawaan laga Xayiray(Sawiro)

Imaraadka Carabta oo Maantay Dowlada Soomaaliya Ku Wareejisay Lacagtii dhawaan laga Xayiray(Sawiro)

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Imaaraadka Carabta kala wareegtay lacag gaareyso 9.6 Milyan oo Dollar oo ay xukuumadda Abu Dhabi ugu tala-gashay inay qeyb ka noqoto taakulada dadka ay saameynta weyn ku reebeen abaaruhu, xili ay xaalada abaareed ee dalka ay kasii dareyso.

Munaasabadda ay lacagtan kula wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, wasiirka Maaliyada oo la wareegay, guddoomiyaha bangigga dhexe iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dowladood.

Ra’iisul wasaare Rooble oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey kaalinteeda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa safiirka Imaaraadka Imaaraadka Carabta oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay in ay ka qayb qaataan daboolida baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa, kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay fasaxday lacagtaan oo 2018-kii laga xayiray Imaaraadka, kadib markii lagu qabtay Aadan Cadde.

Kadib xiriirka Imaaraadka & Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, iyada oo khilaaf uu soo kala dhex-galay iyaga & dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

Ad
Previous articleWaa Kuma Shaqaiyaadka la hadal hayo ee Noqon kara Raisal Wasaaraha Cusub
Next articleSenatar Jawaahir Axmed Cilmi oo ka Mid Ahyd Dad Dhidibada U Taagay Maamulka Galmudug oo geeriyootay(Xog Sababta Geerideeda)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here