Home Wararka Maanta Imaam Somaali ah oo caan ka ahaa Maraykanka oo maalmo lawaysanaa oo...

Imaam Somaali ah oo caan ka ahaa Maraykanka oo maalmo lawaysanaa oo Lahelay Meydkiisa

0

Allah ha u naxaristee waxaa xalay meel cidlo ah laga helay meydka Sheekh Maxamed Xasan oo kamid ahaa culimada sida weyn looga yaqaan dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Columbus .

Sheekha ayaa la sheegay in warkiisa la waayay mudo labo maalin ah looguna jiray baadi goob ,hasa ahaatee meydka Sheekha oo madaxa xabad uga taal ayaa lagu dhax arkay gaarigiisa oo yaala goob cidlo ah.

Ciidamada booliiska magaalada Columbus ayaa soo qaaday meydka Sheekh kuwaa oo bilaabay baaritaan ku aadan cida dilkiisa ka dambeesay, mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay dilka Sheekha loo geestay.

 

Soomaalida kunool dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa degan magaalada Columbus ayaa si weyn uga naxay dilka loo geestay Sheekh Maxamed Xasan oo Imaam ka ahaa Masjika Abuu-hureyra ee magaalada Columbus .

Dalka Mareykanka ayaa dilal qorsheesan iyo kuwa burcadnimo ku saleesan loogu geestaa dadka Soomaaliyeed, waxaana dilalka qaar ee dalkaasi ka dhaca geesta dhalinyaro Soomaaliyeed oo isticmaala waxyaabaha maanka dooriya

Ad
Previous articleGuddigii loo saaray baaritaanka gafkii ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka badda ay go’aan gaareen iyo Villa Soomaaliiya oo ka hortimid Go,aankaas
Next articlewafdi u hogaaminaayo Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo Maantay lagu wado inay Gaaran Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here