Home Wararka Maanta Ilmaha Dibada looga soo tago ayaan ka hortageynaa, Norway oo Bilowday Qorshe...

Ilmaha Dibada looga soo tago ayaan ka hortageynaa, Norway oo Bilowday Qorshe Cusub oo Caruurta ah

0

Dowlada Norway ayaa sheegtay in ay Bilaabeyso Qaab ay kaga hortageyso in ilaha looga soo tago Dalka Dibadiisa.

Sanad kasta xiliga Kuleelaha Waalid badan ayaa Caruurtooda Safar ugu kaxeeya Dalka Dibadiisa waxana kadib ay kaga soo tagaan Dalka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Tilaabadaasi ayaa keentay in Dowlada ay bilowdo baaritaan ku aadan Caruurta sida qasabka ah loogu sameeyo Dhaqan-celinta.

Wasiirada Caruurta iyo Qoysaska Toppe oo arintaan ka hadashey ayaa sheegtay in ka hortagista caruurta dib loo celiyo ay tahay qodob muhiim ah.

Toppe ayaa iskuulada Dalka Norway u sheegtay in ay kaalin ka qaataan sida looga hortagayo falalkaasi.

Dowlada ayaa soo saartay Sharciyo kala duwan oo looga hortagayo Caruuta la kulma dhibaatooyinka.

Ad
Previous articleMagaalada Laascaanood oo Caawa lagu dilay Cabdifitaax C/llaahi Cabdi (Hadraawi Sangub)
Next articleDowlada Hindiya oo Gantaallada Pralay dhigeysa Xuduudaha China iyo Pakistan ay Lawadaagto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here