Home Wararka Maanta Dowlada Hindiya oo Gantaallada Pralay dhigeysa Xuduudaha China iyo Pakistan ay Lawadaagto

Dowlada Hindiya oo Gantaallada Pralay dhigeysa Xuduudaha China iyo Pakistan ay Lawadaagto

0

Wasaaradda Difaaca ee dalka Hindita ayaa go’aansatay in ay 120 Gantaal oo nuuca balaastik ah la dhigo Xuduudaha ay la wadaagto dalalka China iyo Pakistan.

Ilo-wareed dhanka difaaca dalkaasi ayaa u sheegay wakaallada wararka maxaliga ee ANI in kulan heer sare ah oo ay wasaaradda Difaaca yeesheen si cad loogu go’aamiyey in 120 gantaal loo daabulo dhulka xuduudka ay la wadaagaan China iyo Pakistan.

Gantaallada la dhigi doono Xuduudaha labadaasi dal ayaa ah gantaalada Balaastikada ee Pralay missiles ee lagu farsameeyey gudaha Hindia, lana tijaabiyey sannad ka hor.

Gantaalladaasi oo ah nooca ridada gaaban waxay awood u leeyihiin inay duqeeyaan bar-tilmaameedyo u dhexeeya masaafo dhan 150 ilaa 500 oo KM.

Gantaalladaasi oo laga soo minguuriyey kuwa Raashiya ee islander missiles, waxa uu awoodaa inaysan raadaarada sheegi karin marka ay hawlgallada duqeymaha fulinayaan.

Gantaalka Pralay missiles waxa culayskiisu dhan yahay 5 tan, dhererkiisu waa 10 meter, iyadoo halkii gantaal lagu iibiyo lacag dhan 53 million oo Dollar.

Dhanka kale, Wakaallada Wararka India ee ANI News Agency ayaa qortay in Go’aankaasi la gaaray kadib, iska-horimaadkii ilaalada xuduudaha ee Hindia iyo China horaantii bishan December ku dhex maray Gobalka Arunachal Pradesh ee buuraleyda Himalaya ee ku teedsan xuduudka ay labada dal wadaagaan.

Iska-horimaadkaasi waxaa lagu dhaawacay 6 la tirsan Ciiddanka India ee joogay Xuduudka.

Dhanka kale, Gantaalada la dhigi doono xuduudka Hindia la wadaagto Pakistan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo Colaad gaamurtay u dhexeyso labada dal oo isku haysta Gobalka Jamu Kashmir.

Tan iyo sanadkii 1947-dii, milliteriga labadaasi dal waxaa dhex maray 3 Dagaal oo waa weyn oo lagu riiqmay iyo tiro Iska-horimaadyo yaryar.

Si kastaba ha ahaayeen, Waddamada China, India iyo Pakistan waxay ka mid yihiin dalalka haysta Hubka Nukliyeerka ah, mana jiro dal lagu waabsan karo Nooc kasta oo ka mid ah Gantaalada khatarta ee ay ku hubeysan yihiin.

Ad
Previous articleIlmaha Dibada looga soo tago ayaan ka hortageynaa, Norway oo Bilowday Qorshe Cusub oo Caruurta ah
Next articleKooxda ALshabaab oo Markii ugu Horaysay Xayiraad Kusoo Rogtay Shirkada isgaarsiinta Hormuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here