Home Wararka Somaliya Magaalada Laascaanood oo Caawa lagu dilay Cabdifitaax C/llaahi Cabdi (Hadraawi Sangub)

Magaalada Laascaanood oo Caawa lagu dilay Cabdifitaax C/llaahi Cabdi (Hadraawi Sangub)

0

Rag hubeysan ayaa caawa bartamaha magaalada Laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool ku dilay mid ka mid ah waxgaradka Magaaladaas.

Cabdifitaax C/llaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) ayaa xilliga la dilayay ka soo baxay Masjid uu ku soo dukaday Salaadii Cishaha sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Booliska Somaliland oo gacanta ku haaya Magaalada Laas-Caanood ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, balse howlgalo ay halkaas ka sameeyeen ka dib kuma guuleysan iney soo qabtaan raggii fuliyey dilkaas.

Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa caawa si weyn hadal haya dilka loo geystay marxuumka oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaano halkaas.

Laas-Caanood waxaa ku soo laalaabtay dilal kala duwan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, iyadoo Maamulka Somaliland uu halkaas ka soo masaafuriyey bilo ka hor kumanaan qoys oo ka soo jeeda Koonfurta Somalia kuwaasoo loo aaneynayey dilalkaas, hase ahaatee dilalka ayaa weli u muuqda kuwo halkoodii ka sii socda.

Ad
Previous articleMaamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka Muqdisho
Next articleIlmaha Dibada looga soo tago ayaan ka hortageynaa, Norway oo Bilowday Qorshe Cusub oo Caruurta ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here