Home Wararka Maanta Hub lagu Garaacay Buur ay ku suganyihiin Kooxda Shabaab oo Warar Cusub...

Hub lagu Garaacay Buur ay ku suganyihiin Kooxda Shabaab oo Warar Cusub laga helayo

0

Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa maanta madaafiic culus ku garaacay buur la sheegay in ay ku sugan yihiin xubno katirsan Al Shabaab.

Taliska ciidamada ATMIS ee ku sugan Hiiraan ayaa ammar ku bixiyay in qorayga loo yaqaan PM-ka lagu garaaco buur ku taalla deegaanka Jicibow oo al rumeesan yahay in dhufees ka dhigteen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Muuqaalo laga soo duubay deegaanka Jicibow ayaa la arkayay ciidamada Jabuuti oo buurta lagu tuhmayo Al Shabaab ku garaacaya qorayga PM-ka iyo hub kale oo culus oo ay adeegsadaan ciidamada Jabuuti.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jicibow ayaa u mahadceliyay ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Jabuuti uu sheegay in gacan ka siiyeen dagaalka kula jiraan Al Shabaab ayna madaafiic ku garaaceen goobo ay joogaan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hiiraan ayaa sheegay in Al Shabaab badan ku laayeen dagaalkii Jicibow, waxa ayna xuseen in Al Shabaab xubno katirsan ku jiraan goob buuraley ah ayna ku hareereesan yihiin kooxdaasi sida ay tilmaameen.

Deegaanka Jicibow dagaalkii shalay ka dhacay oo socday in ka badan 20-saac ayaa sababay dhimasho tiro badan iyo dhaawac,waxa ayna labada dhinac dagaalkaasi ka sheegteen guulo waa weyn.

Ad
Previous articleMareykanka oo ka hadlay Weerarada Gantaalada uu Ruushka ku qaaday Ukraine
Next articleSheekh Aadan Madoobe oo booqday xarunta Maxkamadda ICC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here