Home Wararka Maanta Sheekh Aadan Madoobe oo booqday xarunta Maxkamadda ICC

Sheekh Aadan Madoobe oo booqday xarunta Maxkamadda ICC

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherland kulan kula qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Dembiyada Adduunka ICC. Mudane Piotr Hofmański.

Madaxweynaha Maxkamadda ICC. oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhoweeyey xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka isagoona warbxin laga siiyey sida ay u shaqeyso iyo qeybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Mudane Piotr Hofmański oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICC, uga mahadceliyey soo dhoweyntiisa ayaa sheegay in maxkamadan ay tahay mid aqoon iyo khibrad ka kororsan karaan garsoorayaasha iyo qareennadda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleHub lagu Garaacay Buur ay ku suganyihiin Kooxda Shabaab oo Warar Cusub laga helayo
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo hal arin ka Codsaday Madaxweyne Musaveni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here